Sign in to follow this  
Deeq A.

CXDS iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Xarardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada dhulka miyigaa ah ee  magaalada Jowle oo hoostagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.


Ciidamada ayaa Howl-galladan ku dilay cabdulaahi siciid bulxiye  oo ahaa amiirki deegaanka Jowle u qaabilsanaa Alshabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Ninkan ayaa waxaa wehliyay oo wowl-galka lagu dilay 10 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay asaga ilaalo u ahaayeen.


Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa sheegay inuu howlgalku weli socdo, waxaana la filayaa ij warar intaas ka faahfaahsani ay ka soo kordhaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this