Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad ku taalla Koonfur Galbeed oo goob Fagaare ah ku fulisay xukun dil ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta, Maxkamadda Gobolka Baay ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Isaaq Aadan, oo horey u dilay Marxuum Aadan Maxamed.

Fagaaraha toogashada waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro, maamulka degmada iyo kan gobolka Baay, xafiiska xeer ilaalinta, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay magaalada ku dileen haweeney ayaa la toogtay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan marna aqbali doonin dilalka Macno darada ee ka dhacaya magaalooyinka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale qofwalba oo lagu eedeeyo dil in maxkamad markii ay ku hesho horay laga toogan doono.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this