Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar loo adeegsaday gaari oo goor dhow ka dhacay Munich iyo dada badan oo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Germany_Car_Crowd_25044381894981-scaled.

Munich (Caasimada Online) – Darawal ayaa gaari ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista, taasoo keentay dhaawaca ugu yaraan 20 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada ka dhacday meel u dhow faras magaalada Munich abaare 10:30 subaxnimo, oo ay ku jirto in si kas ah loo beegsaday dadka iyo in kale.

Booliska ayaa barta X ku sheegay in darawalka “lagu qabtay” goobta, isla markaana uusan hadda khatar ku haynin dadka. Goobta shilka waxaa yaallay gaari nooca Mini ah oo burburay.

Adeegga dab-damiska ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen shilka, qaar ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u daran tahay, sida ay werisay wakaaladda wararka ee DPA.

Duqa magaalada Munich, Dieter Reiter, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhacdadan, wuxuuna xusay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay.

Xilliga ay dhacdadu dhacaysay, waxaa goobta ka socday dibadbax uu qabanayay ururka shaqaalaha adeegyada ee ver.di. Lama xaqiijin in dadka dibadbaxayaasha ka mid ah ay ku jiraan dhaawaca.

Magaalada Munich waxaa lagu wadaa in amniga si weyn loo adkeeyo maalmaha soo socda, maadaama uu Jimcaha ka furmayo Shirka Ammaanka Munich oo socon doona saddex maalmood, kaasoo ah kulan sannadle ah oo ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiinta arrimaha dibadda iyo amniga caalamka.

Faah-faahin dheeraad ah naga filow dhowaan, Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this