Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin culus oo ka dhalatay heshiiska Xasan uu galay shalay

Recommended Posts

Deeq A.   
soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix

Baku (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safarka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaaray Azerbaijan, kadib markii uu heshiis dhanka difaaca ah uu lasoo galay dhiggiisa dalkaasi Ilham Aliyev.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay heshiiskan oo ay shaacisay Villa Soomaaliya oo baahisay in labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Arrinta doodda weyn keentay ayaa ah dhinaca amniga, Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta hay’adaha amniga, iyada oo la’isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, lana dardargeliyo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Haddaba sidee looga falceiyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Azerbaijan?

Cabdirisaaq Mahdi: “Xasanow 50 dowladood kor waa u dhaafayaan intaad kala saxiixateen iskaashi amni iyo ciidamada hal dowlad oo wax ku ool laga helana kuma jirto waxaan dhan ma iska saxiixda meysan laheyn xuduud?.”

Saajid Axmed: “Dowlad wax na siineysa diidi meyno soo dhawada Azerbaijan hub, lacag waxaa na siin kartiin nasiiya”.

Cabdifitaax Faarax: “Azerbaïdjan waxaa madaxweyne u aah Ilham Aliyev wxaa madaxwyne kuxikeen ah islaantiisa uu qabo wxaa hantii dhowre uu ah gabadhiisa, marka Soomaaliya maxay kaa faa’idaysaa dalkaas?”

“Madaxweyne waddankiiisa inta badan dagaallo ka socdaan, oo haddana maalin walbo iska safraayo waa ibtilo inteeda la’eg,” ayuu yiri Xadi Fantastic.

Cali Cabdiraxmaan Ibraahim: “Waxbarashada waddankaan waa top , xariir waxbarasho lala yeeshana guul ayay no tahay”

Maxamuud Kaafi: “Iskaashi lacag uruursi maad iska dhahdid 40 dowladood ayaad heshiis kan lamida kala saxiixateen maxaa ka hirgalay?”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this