Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaalinta ay Soomaaliya ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Aadan-Madoobe-Xamza.jpeg?fit=2048%

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Transparency International ayaa shaacisay warbixinteeda sanadlaha ah ee 2024, taas oo lagu cabbirayo heerka musuqmaasuqa dalalka dunida.

Soomaaliya ayaa mar kale ka mid noqotay dalka labaad ee ugu musuq-maasuq badan caalamka, taasoo muujinaysa in ay weli tahay dalka ugu musuqa badan caalamka. Waxaa Soomaaliya ka liita oo kaliya South Sudan.

Warbixinta ayaa lagu falanqeeyey 180 dal, iyadoo la adeegsanayo cabbiro caalami ah oo lagu qiimeeyo heerka musuqmaasuqa. Dalalka ugu hooseeya liiskan waxaa lagu tilmaamay kuwo uu musuqu si daran u saameeyay, taasoo caqabad weyn ku ah koboca dhaqaalaha, maamul wanaagga, iyo horumarka bulshada.

Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyay safka hore kaga jirtay dalalka ugu musuqa badan, ayaa mar kale la xaqiijiyey in musuq-maasuqu yahay caqabad weyn oo dib u dhigtay horumarka dalka, waxayna gashay kaalinta 179, waxaana ka hoos maray kaliya South Sudan oo gashay 180.

Warbixintu waxay sidoo kale shaacisay in tobanka dal ee ugu musuqa yar ay yihiin kuwa Yurub iyo Scandinavian-ka. Denmark, oo kaalinta koowaad ku jirtay sanado badan, ayaa weli hoggaanka u haysa dalalka ugu musuqa yar iyadoo heshay 90 dhibcood, waxaana ku xiga Finland (88 dhibcood) iyo Singapore (84 dhibcood).

Musuq-maasuqa iyo saamaynta Isbeddelka cimilada

Transparency International waxay xustay in musuq-maasuqa ka jira dalalka Saxaraha ka hooseeya uu caqabad weyn ku yahay dadaallada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada. Gobolka Afrika ayaa aad ugu baahan maalgelin si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada, balse musuqmaasuqu wuxuu keenaa in lacagaha loogu talagalay arrimahaas la lunsado ama loo weeciyo meelo kale.

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay dalalka sida weyn ay cimiladu u saameysay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaaliya (9 dhibcood), Equatorial Guinea (13 dhibcood), Eritrea (13 dhibcood), iyo Suudaanta Koofureed (8 dhibcood).

Soomaaliya, oo muddo ka badan 30 sano ay colaaduhu aafeeyeen, ayaa sidoo kale la daalaa-dhacaysa saameynta isbeddelka cimilada, taasoo si gaar ah u wiiqday dhaqaalaha beeraha.

Dalalka bobolka iyo meelayntooda

Warbixinta Transparency International ayaa sidoo kale soo bandhigtay qiimeynta dalalka kale ee gobolka. Kenya ayaa heshay 32 dhibcood, taasoo ka dhigtay dalka 121-aad ee liiska, halka Jabuuti ay heshay 31 dhibcood oo ay ku gashay kaalinta 127-aad. Suudaan, oo weli ay colaado ka jiraan, ayaa kaalinta 170-aad gashay iyadoo heshay 15 dhibcood, halka Eritrea ay heshay 13 dhibcood oo ay kaga jirto kaalinta 173aad.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dalalka Afrika ee aan musuq-maasuqooda aad u xumayn waxaa ka mid ah Seychelles (18aad – 72 dhibcood), Cape Verde (35aad – 62 dhibcood), Botswana (43aad – 57 dhibcood), iyo Mauritius (51aad – 56 dhibcood).

Soomaaliya ayaa weli ku jirta liiska dalalka ugu musuqa badan, iyadoo ay hoos uga sii dhaceen dhibcihii hore. Musuqmaasuqa baahsan ee dalka ayaa caqabad weyn ku ah horumarka, amniga, iyo dadaallada dib-u-dhiska. Transparency International waxay xustay in colaadaha sokeeye, dowlad-darrada, iyo la’aanta isla-xisaabtanka ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee Soomaaliya u horseeday heerkaan hoose.

Warbixintu waxay xustay in lix ka mid ah dalalka ugu musuqa badan caalamka ay ku yaallaan Afrika, kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Suudaanta Koofureed, Libya, Eritrea, Equatorial Guinea, iyo Suudaan.

Soomaaliya waxaa ka hooseeya oo keliya Suudaanta Koofureed, taasoo muujinaysa sida ay musuqmaasuqa iyo colaadaha sokeeye isugu biireen si ay dib u dhac weyn ugu keenaan waddamadaas.

Soomaaliya iyo dalalka la midka ah waxay u baahan yihiin isbeddel qoto dheer oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa, lana sameeyo nidaam hufan oo horseedi kara maamul-wanaag iyo horumar waara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this