Deeq A. Posted February 13 Xalay fiidkii ayaa labo duqeyn oo cirka ah ayaa laga fuliyey deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish (ISIS). Sida wararku sheegayaan, inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen ajaaniib ku sugnaa goobta la weeraray. Duqeyntan ayaa sidoo kale burburisay gaari sahay u siday kooxda, taasoo sii wiiqday awooddooda dagaal ee gobolka. Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd deegaanka. Wali faahfaahino rasmiga ah kama bixin howlgalkaan Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africom. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites