Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanka maamulka Trump ee ciidamada Mareykanka ka jooga gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Pete-Hegseth-scaled.jpg?fit=2560%2C1706&

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa laga yaabaa inay sii joogaan Soomaaliya muddo ka dheer intii hore loo qorsheeyay, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish-ta Soomaaliya iyo Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya gobolka Geeska Afrika.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa si cad u sheegay inay suurtagal tahay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika, inkasta oo xilligii maamulka koowaad ee Donald Trump la qorsheynayay in la dhimo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee caalamka si loo yareeyo qarashaadka.

“Afrika waa safka hore ee dagaalka ay wadaad-xagjiriintu wadaan,” ayuu yiri Hegseth. “Ma oggolaanayno inay saldhig ka samaystaan, gaar ahaan si ay u weeraraan Mareykanka.”

Hadda, Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogaa ku dhawaad 500 askari, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dhibaato weyn u geysanaya ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan rabaa in aan marka hore dhageysto talooyinka taliyeyaasha ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu yiri Hegseth, isaga oo intaa ku daray in Mareykanku uu ciidan keeni doono meelaha lagama maarmaanka ah, balse uu doorbidayo in uu “ula dagaallamo argagixisada si wax ku ool ah xilli fog.”

Horaantii bishan, duqayn dhanka cirka ah oo Mareykanku fuliyay ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Golis ee Soomaaliya. Talaadadii, Taliska AFRICOM wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas lagu magacaabi jiray Ahmed Maeleninine, oo la aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista dagaalyahannada kooxda.

Dhammaadkii sannadkii hore, ciidamada Mareykanka waxay sidoo kale fuliyeen tiro duqeymo ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu dilay dagaalyahanno badan. Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale bixiya sahanka cirka si uu u taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilliyada dagaalka.

Hegseth wuxuu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha caalamka ay khalad samaynayaan haddii ay u fasirtaan in qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu dib u eegayo istiraatiijiyadda ciidamada caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo muujinaysa in Washington ay dib uga gurayso caalamka.

“Waxaa khalad noqon doonta in la maleeyo in Mareykanku wax ka tagayo ama ka baxayo,” ayuu yiri Hegseth.

“Maya, Mareykanka waa inuu si xeel dheer u fiirsadaa, u qorsheeyaa, mudnaan siiyo, oo uu awoodiisa ka muujiyaa meelaha lagama maarmaanka u ah in laga hortago colaadaha,” ayuu raaciyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this