Deeq A. Posted February 12 Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo muhiim ah, isagoo la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashi Al-Maktoum oo ah madaxweyn ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta, islamarkaana ah Amiirka Dubai. Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale la kulmay Sheikh Mansour Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan oo ah wasiirka arrimaha madaxtooyada ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Cirro ayaa waxa uu madaxda dowladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhiimad iyo mudnaanba u leh labada dhinac iyo weliba labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa madaxda uu la kulmay waxa uu si gaar ah ugala hadlay arrimo ay kamid yihiin; iskaashiga arrimaha dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ka wada-shaqaynta xasiloonida mandaqadda. “Madaxweynuhu waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta kala hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha amniga, gaar ahaan xasiloonida marrin biyoodka gacanka cadmeed iyo badda cas,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland. Cirro ayaa ugu dambeyntiina wuxuu dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-naqay marti-qaadka rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey, si uu uga qeyb galo shirka caalamiga ah ee kulanka dawladdaha caalamka. Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka qeyb-galay furitaanka shirka dowladdaha caalamka ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku iibgeynayo ictiraaf raadinta Somaliland, isagoo ka qeyb-galayaasha kulanka usoo bandhigay fursadaha maalgashi ee maamulka. Share this post Link to post Share on other sites