Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta wasiirro iyo xildhibaanno hore oo federaal ugu degeen heer gobol

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xildhibaannada badankood ka niyad jabsaan yihiin siyaasadda dalka, isagoo tilmaamay in wasiirro iyo xildhibaano hore oo federaal ay u dagteen heer gobol.

“Waxaad arkaysaa kuwo hore wasiirro iyo xildhibaanno federaal soo noqday oo naf ka dayey wasiir gobol ama isku leexiyey shaqo maamul iyo mid diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in hoggaanka dowladda uu lumiyay awooddii mooral iyo rajadii la qabay, iyadoo markii horeba aysan buurnayn awoodda dowladda, taasoo sababtay in badan oo kamid ah kuwo xilal wasiir ama ka sarreeya haya in aysan ku qanacsanayn, sida uu sheegay.

“Waxaa cadaatay in deg-degga lagu fuulo sallaanka siyaasadda looga dego, maal iyo mansabkii loo galayna lagu qanci la’yahay, sababtoo ah bani’aadanka markii uu haqabtiro baahida daruriga ah, wuxuu u baahan yahay in uu bulshada ka helo aqoonsi oo ah qaddarin ,qiimeeyn, iyo xushmayn.”

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka

Waxaan sheekaysannaa xildhibaanno ka niyad jabsan siyaasadda dalka, waxaad arkaysaa kuwo hore wasiirro iyo xildhibaanno federaal soo noqday oo naf ka dayey wasiir gobol ama isku leexiyey shaqo maamul iyo mid diblomaasiyadeed.

Iyadoo markii horeba aysan buurnayn awoodda dawladda, ayuu hoggaankeedii lumiyey awooddii mooral, iyo rajadii la qabay, taasoo sababtay in badan oo ka mid ah kuwo xilal wasiir ama ka sarreeya haya in aysan ku qanacsanayn.

Waxaa cadaatay in degdegga lagu fuulo sallaanka siyaasadda looga dego, maal iyo mansabkii loo galayna lagu qanci la’yahay, sababtoo ah bani’aadanka markii uu haqabtiro baahida daruriga ah, wuxuu u baahan yahay in uu bulshada ka helo aqoonsi oo ah qaddarin ,qiimeeyn, iyo xushmayn.

Aqoonsigu kuma yimaadaa mansab iyo maal la helo oo keli ah ee hillinka aad u martay iyo halganka aad ku heshay ayaa sameeya qiyamka, akhlaaqda, iyo anshaxa shakhsiyadda lagu aqoonsado.

Ruux kasta oo ka booda jaranjarada halganka nolasha, bulshaduna aqoonsanayn tabaca iyo halganka uu hantida iyo mansabka ku helay, wuxuu isku dayaa in uu wado kasta u maro, kuna kaco ficil walba oo u soo jeedin kara indhaha bulshada.

Webigu wuxuu ugu deggan yahay markuu buuxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this