Sign in to follow this  
Deeq A.

Guusha laga gaaray hannaanka deyn-cafinta iyo dalabaadka cusub ee DF

Recommended Posts

Deeq A.   
calanka-1.jpg?fit=1280%2C780&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – 23-kii bishii November ee sanadkii hore Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariikhi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmarka u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Anderson ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis dowladda Soomaaliya looga cafinayo Lacagihii Deynta ahaa ee Dowladda Denmarka ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Biixi oo qoraal soo dhigay xilligaasi, isagoo ka hadlaayay heshiiskaasi ayaa waxa uu yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxaana u mahadcelinayaa dowldda Denmarka oo ah saaxiib qiimo badan oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed eek u talaabsaneyso Soomaaliya”.

Madaxa Heyadda Lacagaha Adduunka Mrs. Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay. Waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Waxa uuna bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1 bilyan oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5 bilyan. Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1 bilyan (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14 bliyan. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Haatana, wararka laga helay magaalada Dubai ee cariga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in wada-xaajood muddo dheer socday uu shalay oo taariikhdu tahay 11-ka Bisha February 2025-ka ugu dambeyntii isku rogay heshiis rasmi ah. Heshiiskan ayaa xal looga gaaray deyn dhan $257 milyan oo doolar, deyntaas oo ay dowladii Dhexe ee Soomaaliya ee xilligaasi qaadatay, kuna maal-galisay mashruucii Warshadii Sokorta Jubba.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula fal-galo ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maal-gelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaasi oo baahi weyn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd maal-galin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka, kadib markii laga cafiyay deymhii adduunku ku lahaa.

SONNA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this