Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qoys iska duubay muuqaalo anshax-xumo ah oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5861.jpeg?fit=1290%2C726&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska dacwad lagu soo oogay nin iyo Xaaskiisa, kuwaas oo lagu eedeeyay inay iska duubeen muuqaallo Anshax Xumo ah.

Labada eedeysane ayaa maxkamadda ka hor qirtay in muuqaaladaas oo gaaraya 124 Video ay si ku talagal ah isaga duubeen, iyadoo ujeedku ahaa in laga hanjabeeyo waalidka gabadha, kuwaas oo ku maqan dalka dibadiisa, si lacago ay uga qaataan.

Maxkamadda ayaa laga hor cadeeyey in ujeedada laga lahaa muuqaallada ay iska duubeen qoyskaan uu ahaa in lagu qiyaamo waalidkii dhalay gabadha oo la gaarsiiyey videoyada anshax-xumada ah.

Xarunta Maxkamada Degmada Waaberi oo kiiskaan maanta lagu qaaday waxaa Goobjoog ahaa ehellada eedeesanayaasha, Qareenadii u doodayey yo xeer ilaaliyaal ku soo oogay dacwadaan.

Guddoomiyaha maxkamadda Degmadda Waaberi ayaa sheegay in ficilkan uu ka hor imaanayo qiyamka bulshada, isla markaana tallaabo adag looga qaadi doono ciddii lagu helo inay ku kacdo falalka noocan oo kale ah.

Ugu dambeyntii, Maxkamadda ayaa min labo sano oo xabsi ah ku xukuntay ninkaan iyo xaaskiisa, kadib markii lagu helay inay iska duubeen muuqaallo anshax-xumo ah, sida oo ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullaahi.

Kiiskaan ayaa noqday mid aad loola yeebay, maadaama gabadha Aabaheed toos loogu diray muuqaalada, si lacago looga qaato, weliba iyadoo raali ka ah.

Cadeymaha Maxkamadda la keenay waxaa kamid ahaa in gabadha Aabaheed uu shil galay oo dhaawac halis ah uu soo gaaray, isbitaalna la dhigay, kadib markii uu ka naxay muuqaalada laga soo duubay Gabadhiisa.

Hoos ka daawo kiiska

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this