Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howlgallo qaatay 3 maalin oo lagu fashiliyay qorshe ay wadday Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-xoogga-dalka-ciidamada-militeri

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Xararardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmadaasi.

Howlgllada oo qaatay saddex maalmood oo xiriir ayaa waxaa si wada jir ah u sameeyay Kumaandooska Gorgor iyo ciidanka Xoogga, qeybtooda 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, kuwaas oo jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamada ayaa gaaray deeaanno ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad oo dhammaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo muddo dheer ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan looga hortagay dhagar ay soo maleegeen Al-Shabaab oo xubnahooda ay isku uruursanayeen halkaais.

“Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in kooxda la gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen.

“Howlgalka inta uu socday ayaa Khawawrijta laga dilay tiro maleeshiyaad” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga degmada Xarardheere oo ah meesha ay isku hayaan dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this