Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay khasaaraha duqeyntii Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
drone.jpg?fit=900%2C508&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn culus oo ay kowdii bishaan ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo lala beegsaday maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen saraakiil sar sare oo tirsan kooxda Daacish, isla markaana lagu beegsaday meel ay ku dhuumaleysanayeen oo ku taalla gobolka Bari.

“Taliska AFRICOM oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadakan 2025 wuxuu howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada Daacish ka fuliyay buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen oo qayaas ahaantii 50 mile dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in duqeyntn lagu dilay illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Daacish oo muddo la baadi goobayay.

Sida ay sheegtay AFRICOM xubnahaasi la dilay waxaa kamid ahaa horjooge sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa qorista maleshiyaadka iyo dhinaca dhaqaalaha, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa in xubnaha argagixisada ee u safrayo wadamada Yurub iyo Mareykanka, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxaa kale oo AFRICOM ay intaasi kusii dartay in weerarka cirka ah aanu wax khasaare ah kasoo gaarin dadka rayidka ah, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Hadalka ayaa imaanayo iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogeysanayeen howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo ay iska kaashayaan ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo saaxibada caalamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this