Deeq A. Posted February 12 Sanad kadib magacaabistii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, waxaa muuqda waxqabad la taaban karo oo uu safaaradda ka hirgeliyay muddadii uu xilka hayay. Danjire Xuseen Cabdi Xalane, oo ah safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la magacaabay 9-kii February 2024. Muddo sanad gudaheed ah, wuxuu safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku soo kordhiyay horumaro muuqda, isagoo isbeddel weyn ku sameeyay adeegyada safaaradda ee la xiriira bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee caalamka. Xuseen Cabdi Xalane, oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana ah siyaasi rug-cadaa ah, ayaa markii loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta wax badan ka beddelay xaaladda safaaradda. Wuxuu xiriir joogto ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas si uu xog-ogaal ugu noqdo xaaladooda, isagoo sidoo kale ka caawiyay dhibaatooyinka ay kala kulmaan gudaha dalkaas, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas ku shaqeysta. Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta u yahay dalkoodii labaad, maadaama uu dalkaasi yahay meelihii ugu horreeyay ee ganacsi lagu abuuro kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 35 sano ka hor. Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadda ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeysanayay tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May 2022. Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyay mashaariic kala duwan, isagoo sidoo kale taageero siiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Ganacsade Maxamed Jaamac, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dubai, ayaa ka hadlay waxqabadka Danjire Xuseen Xalane sanadkii uu joogay safaaradda. Wuxuu yiri: “Waxaan oran karaa Danjire Xuseen Xalane waxa uu safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku soo kordhiyay midnimo iyo isku xirnaan bulshada Soomaaliyeed. Shaqaalaha safaaradda waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan taleefannada muwaadiniinta Soomaaliyeed waqti kasta oo ay u baahdaan adeegyo safaaradeed. Shaqadiisa waxay noo xasuusineysaa erayo ku qoran baasaboorrada caalamiga ah oo ay ka mid yihiin, ‘Muwaadin ha welwelin, waan kula joognaa meel kasta,’ taas oo muujineysa sida shaqaalaha safaaradda, laga bilaabo safiirka ilaa shaqaalaha hoose, ay ugu heellan yihiin taageerada bulshada.” Ganacsaduhu wuxuu intaas ku daray: “Danjire Xuseen Cabdi Xalane waxa uu astaan u yahay midnimo iyo isku duubni bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta. Waa safiir u taagan danaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo aan kala saarin cid gaar ah. Safaaradda iyo shaqaalaheeda waxay si joogto ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uga mahadcelineynaa Danjire Xalane oo aan dhihi karo waa siyaasi waaya-arag ah, dad jecel, safiir wanaagsan, kana shaqeeya horumarka bulshada.” Abdihakim Elmi Hassan Nairobi, Kenya Tel: +252 4 711830393 Email: Cabdixakiin441@hotmail.com Share this post Link to post Share on other sites