Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo si weyn loogu dhalleeceyay tallaabadii uu qaaday – Maxaa lagu haysta?

Recommended Posts

Deeq A.   
CC-Shakuur.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo taageero weyn u muujiiyay Puntland oo dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab, isaga oo noqday Xilldhibaankii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa u jarayo ciidamada maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay gacan ka geystaan taakuleynta ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, xilli uu maamulka Puntland sameeyay sanduuq lagu garab istaagayo ciidanka.

“Bil mushaarkayga ah ayaan ku deeqay, waxaanan ku dhiirrigelinayaa labada Gole ee Baarlamaanka inay gacan ka geystaan taakuleynta naftood-hurayaasha difaaca dalkeenna iyo diinteenna u halgamaya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ka qayb-qaadashada taakulaynta ciidanka naftood-hurayaasha ah ee la diriraya cadowga argagixisada ah ee dalkeenna ku soo duulay.”

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday CC Shakuur?

Dad badan oo baraha bulshada ku falanqeeyay tallaabada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn uga horyimid, waxayna ku dhaliileen in aanu horay u taageerin ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgallada xoreynta ka wada deegaannada uu kasoo jeedo.

Liibaan Cumar “Deegaanka aad matasho Bari-ujeed waligaa xitaa kama hadlin mana tagin, wiilasha furinta ku jirana maalin ma dhiirogalin”.

Cabdiraxmaan Cusmaan “Waa tallaabo wanaagsan mudane dadkii wax iska dhicinaya wax la taageero waa yihiin qof aanba far qaadeeyn qaab lagu taageeri karo ma jiro”.

Nuur Xaaji Adduunyo “Gurmad gargaar iyo garab istaag dhulka Habargidir ee aad matasho ayaa kaaga baahan iyo kuwa aad kursigooda ku fadhido ee cadawgu heesto”.

Liibaan Lugcad “Kaasina wuxuu ahaa CC Shakuur oo ku dhashay Buuloburde, kana soo jeeda Barujeed oo dagaalka Calmiskaad ugu deeqay mushaarkiisa bishaan!!!”.

Cabdirisaaq Jeestoole ayaa isagana fal-celintiisa ku yiri “Kuwii Galmudug ka socday maxaa u garab istaaagi wayday”.

Cali Xaashi “Kuwii gurigaada lagu dilay ee kaboohoda lagu aasay ma ka war heysaa carruurtii ay ka tageen?”.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this