Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo taariikhi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix

Baku (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal, iyadoo diiradda la saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamulka.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta hay’adaha amniga. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadan.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taas oo fududeyn doonta fulinta heshiisyada la saxiixay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu horkacayo ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, iyo xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka labada dal. Tani waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa sidoo kale kala saxiixan doona heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo wafdiga madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaysa ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacabka Soomaaliyeed iyo kan Azerbaijan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiix

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this