Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay 5 qof oo lagu tuhunsan yahay Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1739358363573.jpg?resize=720%2C70

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay 5 qof oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Ammaanka Boosaaso ku qabteen 5 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa xaqiijiyay in shanta qof oo dhammaantood Soomaali ah gacanta lagu dhigay kaddib markii ay xogtooda ciidamada Ammaanka u soo gudbiyeen shacabka magaalada.

“Boosaaso: Laamaha amaanka ayaa qabtay 5 qof oo lala xiriiriyey Argagixisada Daacish, kuwaasi oo ay shacabku soo gudbiyeen. Xubnahan oo dhammaan ah Soomaali, waxaa hada ku socda baaritaan” ayaa lagu yiri qoraalka ciidamada Amniga Puntland.

Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda baaritaan ku socdo kooxda ay ciidamadu qabteen ee lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lee yihiin ama ka tirsan yihiin Argagixisada ISIS

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay 5 qof oo lagu tuhunsan yahay Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this