Deeq A. Posted February 12 Trump, ayaa aqalka cad ku qaabbilay boqor Cabdallaha labaad ee Jordan , kaasoo ku ammaanay Trump inuu yahay qof dhammeystiri kara caqabadaha ka taagan bariga dhexe , kaddib wuxuu ku dhawaaqay inuu dalkiisa qaabbilayo 2 kun oo carruur Falastiiniyiin reer Qasa ah oo u ku sheegay , kuwa u baahan daryeel caafimaad.Trump, ayaa dhankiisa ku celiyay qorshihiisa Qasa iyo inuu kulan dheer la qaadan doono boqorka Jordan. Ku soo laabo hadalladii uu jeediyay boqorka Jordan; • Mar wax laga weydiiyey in uu jiro dhul ay Falastiiniyiintu ku noolaan karaan marka laga soo barakiciyo Qasa oo ay ka helayaan Jordan, waxa uu ku jawaabay; in ay tahay in uu sameeyo “waxa danta dalkiisa ku jirto.” •Boqorka ayaa sheegay in waddamada Carabta ay u imaan doonaan Mareykanka iyagoo ka jawaabaya qorshaha Trump ee Qasa. • Waxaa kalo uu sheegay ; “Waa inaan sugno si aan u aragno qorshaha Masar.” • Boqorka Jordan, wuxuu intaa ku daray inay jiri doonto jawaab ka imaanaysa waddamo badan oo la xiriirta qorshaha Trump, balse ma bixin sharraxaad. Fiiro gaar ah; Boqor Cabdalla, wuxuu qof walba u xaqiijiyay inuu u hoggaansamayo qorshaha Trump , isagoo u rogi doona inuu qaatay mowqif ‘danta dalkiisa’ ah, laakin wuxuu ugu deg degay Aqalka Cad, ayaan ku sheegaya , wuxuu ciyaaray, ciyaar ah ; “ Trump waan ku oggolahay, waana fulinaya qorshahaaga, laakin si aan dhibaato ugala kulmin gudaha Jordan , ku hor mar Masar , halkaanna halagu soo bandhigo hirgelinta qorshaha, sababtoo ah Masar , ayaa ah cidda xadka la wadaagta Qasa”. Hagaag, ma doonayo inad uga tagto waxa aad akhrisay inay tahay waxad filaysay, waxaan ku siinayaa sheeko kale ; wariyaha Mareykanka ah ee Bob Woodward , ayaa bartamihii bishii Oktoobar ,2024, wuxuu soo bandhigay buuggiisa ‘War’ ama buugga dagaalka, oo uu ku daahqaaday waxyaabo badan oo dadka ka qarsoonaa iyo mowqifka Carabta ee ururka Xamaas. Lix maalin kaddib, markii uu dhacay weerarkii Xamaas 7, Oktoobar,2023, waxaa socdaal ku maray Telaabiib iyo caasimaha carabta ,xoghayihii hore ee arrimaha dibadda, maamulka Biden ee Mareykanka , Antony Blinken — socdaalka wuxuu la xiriiray inuu Blinken wax ka oggaado mowqifka Carabta ee weerarka Xamaas, markii uu la kulmay Netanyahu , oo markaa si cad ugu sheegay ‘ wax aan ahayn inay Qasa ka barakiciyaan Falastiiniyiinta, inaysan dooneyn’, xasuuso taariikhda , hadalkan wuxuu sheegay 13 , bishii Oktoobar,2023 ! Isla markiiba Antony Blinken, wuxuu ka deggay Amman, caasimadda dalka Jordan , waxaana goob baar ah oo ku dhex taal aqalka boqortooyadda Jordan , maalintaa ku qaabbilay boqor Cabdallaha Jordan — wadahadalka wuxuu ku bilowday inta uusan hadlin Blinken , inuu yiri boqorka Jordan ; “ Israa’iil marar badan ayaan uga dignay khatarta Xamaas… kooxdani waxay ka tirsantahay Akhwaanul muslimiin-ka— Israa’iil waa inay jebiso kooxdaan, laakiin arrintaas kor uma dhihi karo annigu..!” Iskadaa adiga, xataa Antony Blinken, ayaa hadalkan la yaabay! Sida aad ka heli kartid buugga dagaalka ee uu qoray Bob Woodward. Source Share this post Link to post Share on other sites