Sign in to follow this  
Deeq A.

Jidadkii baad ka la xidheen ee iska hoyda oo guryihiinii orda oo ka la taga…”, ayuu dumarkii iyo ciyaalkii uu soo abaabulay Muuse ku yidhi.

Recommended Posts

Deeq A.   

“Jidadkii baad ka la xidheen ee iska hoyda oo guryihiinii orda oo ka la taga…”, ayuu dumarkii iyo ciyaalrkii uu soo abaabulay Muuse ku yidhi. In uu qof buuq samaysto, oo lacag iyo wakhti aan yarayn ku bixiyo in dad ka hor yimaaddo, si uu qof muhiim ah isugu arko amaba dadku u gu arko, ma aha wax Muuse ku kooban ee waa dhaqan arlada ku baahay. Dheeraad waxa ah in dadka loo tuso waxaasi in uu lama filaan iyo qorshayn la’aan ku dhacay.

Al muhim, Xaaji Muuse tobanaan jeer haddii uu bishii dhoofo oo soo noqdo, oo la sii dhaweeyo amma la soo dhaweeyo, ma qabo in ay cidna culays ku hayso, haddii ba ay jirto na waa hogseeg. Dadku waa xor, waana kaas mabd’a aasaasiga ahi. Haddii aanay isaga culays ku haynin cid kale na ma ba ku hayn karto hawshaasi. Keliya waa in aan la ogolaanin sidii maalintii dhaweyd ee uu baxaayay, in uu hub iyo ciidan jidadka la maro, oo madaarka la tago. Ma aha in ay meeshu u muuqata arlo fawdo ah, oo nin kastaa ba maleesiyada xaafaddiisa gaar u wato. Ujeedka Muuse waa in la fahmo, oo la joojiyo haddii aanu isagu ka joogsan. Sida madaxdii hore ba, waa in la siiyo dhawr askari oo guriga u jooga, marka uu baxaayo na baabuurka la raaca. Wixii aan intaas ahayn waa in sida uu yahay loo fahmo, sida uu yahay na loo la macaamilo.

Qore Maxamed Haaruun

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this