Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo sheegay in Falastiiniyiintu ay dalal kale dhulkooda wax ku yeelan doonaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dadka reer Falastiin ee marinka Qasa ay wax ku yeelan doonaan dhulka dalal kale, taas oo muujinaysa in qorshaha barakicintu uu dhab ka yahay.

” Falastiiniyiintu waxay yeelan doonaan dhul ku yaal Jordan iyo mid kale oo Masar ah” ayuu yiri Trump.

Donald Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta marsiinayay hadallo la yaab leh oo ku saabsan Qasa, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen inuu iibsan doona marinka oo dhan, iyo in haddii Xamaas ay 5 maalmood la-haysteyaasha ku sii deyn weyso xabbad-joojintu ay burburayso.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this