Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Suudaan oo ku gacan sayray dalab uga yimid Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan dowladda isku tagga Imaaraadka ayaa sheegtay in Abu Dhabi ay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku sugan Suudaan in ay ixtiraamaan bisha Ramadaan oo xabbad-joojin bini’aadantinimo ay hirgeliyaan.

Sidoo kale Imaaraadku wuxuu sheegay in ay qorsheynayaan in ay qabtaan shir madaxeed ay la kaashanayaan Midowga Afrika si loo aruuriyo dhaqaale bini’aadantinimo oo la siiyo Suudaan, si wax looga qabto xaaladaha cakiran ee ka dhashay colaadda sanadkii labaad ka socata dalkaas.


Dhinaca kale ilo ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa sheegtay in ay diideen xabad joojintaas, ilaa fallaagada RSF laga saaro dhammaan magaalooyinka iyo deegaanada ay ku suganyihiin.

Militariga Suudaan ayaa horay Imaaraadka Carabta ugu eedeeyay inay taageerto kooxda RSF, islamarkaana ay fara-gelin gudaha ah ku hayso dalkan ay colaaddu ka holcayso ee  ku yaalla bariga Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this