Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha weerarkii ay Daacish ku qaaday ciidanka Puntland oo kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   
ISIS.jpg?fit=998%2C738&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla waqooyi-bari ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka.

Kooxdan oo adeegsanaysa baabuur iyo mootooyin ismiidaamin ah oo qaraxyo lagu soo xiray ayaa weerarkan ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen ciidamada Daraawiishta Puntland, sida uu VOA-da u sheegay afhayeenka ciidamada Puntland, Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed.

Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ay dileen in ka badan 70 ka mid ah maleeshiyaadka Daacish.

Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this