Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
000_34LL2W7-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamada amniga ee dowladda iyo rag hubaysan oo uu hoggaaminayay nin ka tirsan ciidanka booliska.

Iska horimaadka ayaa ka bilowday guri ku yaalla waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis, dhanka xigta Mirinaayo. Wararka ayaa sheegaya in la isku haystay lahaanshaha guriga, kaas oo maxkamaddu hore u amartay in aan la dhisi karin, balse dhisme lagu bilaabay amarka maxkamadda kaddib.

Ciidamo boolis ah ayaa tagay guriga si ay u joojiyaan dhismaha, taasoo sababtay inuu dagaalku bilowdo. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyo soo gaareen taliyeyaasha saldhigyada booliska ee degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ee dowladda ayaa gaaray goobta iska horimaadka, waxaana ugu dambeyn ciidanku ku guuleysteen inay soo afjaraan shaqaaqadan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ka mid ah raggii hubaysnaa, inkastoo uu baxsaday ninka la sheegay inuu booliska ka tirsan yahay ee ciidanka la dagaallamay.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda goobtii lagu dagaallamay ayaa haatan deggan, waxaana gacan ku haynta guriga la wareegay ciidamada amniga ee dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this