Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo si gaar ah u tababaran oo kusoo biiraya dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
476309604_1076329224538216_6230771472825

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada hubeysan ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA), kuwaas oo si gaar ah loogu tababaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo maanta uu sagootiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la siiyay tababaro khaas ah oo ku saabsan weerarrada qorsheysan, waxaana tababarka bixiyay khuburo ka socotay dowladda Turkiga.

Ciidamadan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona howlgalada dalka ka socda ee lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, iyadoo la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, kala dambeynta, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ciidamada ayaa tilmaamay inay wax weyn ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, maadaama ay heleen tababarro adag oo xirfado sare leh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira kooxda Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta ciidamada amniga.

Ugu dambeyn, wuxuu ku dhiirrigeliyay ciidamada tababarka dhammeystay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen iyo go’aanka ay qaateen ee difaaca dalkooda.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo hoos u dhacay bilihii lasoo dhaafay, ayaa haatan dowladda Soomaaliya ku waddaa dardar-gelin xooggan si markale dagaal culus loogu qaado kooxdaas, iyadoo howlgaladu ka socdaan jihooyin dhowr ah.

476621977_1076329261204879_4045525643356
476806458_1076329194538219_3021528723650
476342907_1076329187871553_4914818806601
479013003_1076329237871548_8072654741321
476309604_1076329224538216_6230771472825
475977231_1076329267871545_3285629749009

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this