Sign in to follow this  
Deeq A.

War ka cusub heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya iyo tallaabo Turkiga uu qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.36-PM.

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa Isniintii si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Muqdisho isagoo booqasho shaqo ku jooga, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talaadada maanta ah.

Duran waxa uu kulammo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga, Daahir Shire Maxamed, ka hor inta aanu si rasmi ah u qaabilin Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinacyadu waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo diyaarinta wadahadallada farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo qayb ka ah Heshiiskii Ankara ee labada dal ay ku kala saxiixdeen Turkiga, si loo soo afjaro xiisadda u dhaxeysay.

Duran waxa uu sidoo kale Khamiistii booqasho gaar ah ku tagay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa si uu ula kulmo dhiggiisa Itoobiya, oo uu sidoo kale kala hadlay Heshiiska Ankara.

Xisbiga talada haya ee Turkiga, Justice and Development Party (AK Party), ayaa bishii hore laba heshiis istiraatiiji ah la saxiixday xisbiyada maamula Itoobiya iyo Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac ee dowlad-dowladeed iyo xisbiyada.

Khilaafka Somaliland

Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ayaa gaaray heer iskaashi istiraatiiji ah, iyadoo socdaallada heerka sare ah ay sii xoojiyeen xiriirka labada dal sanadihii la soo dhaafay, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxay dadaal xooggan ku bixisay kordhinta hawlaheeda diblomaasiyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika, iyadoo dhexdhexaad ka ah khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ankara waxay door muhiim ah ka qaadatay xalinta khilaaf socday muddo sanad ah oo halis gelinayay xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo dhex-dhexaadin ka sameysay khilaafka la xiriiray Somaliland ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya sanadkii hore.

Khilaafkan ayaa billowday bishii Janaayo markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay gobolka gooni isu taagga ah ee Somaliland si looga kireeyo dhul xeeb oo loogu talagalay deked iyo saldhig ciidan.

Bedelkeeda, Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, taasi oo Muqdisho ay ku gacan sayrtay, ayaa sheegtay in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsan doonto, inkastoo Addis Ababa aysan si cad u xaqiijin arrintaas.

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda, taasoo keentay walaac caalami ah oo ku saabsan khatarta dagaal cusub oo ka qarxa gobolka xasillooni darrada ay ka jirto ee Geeska Afrika.

Turkiga ayaa dhexdhexaadinta bilaabay bishii Luulyo, isagoo qabtay saddex wareeg oo wadahadallo ah – laba ka dhacay Ankara iyo mid kale oo ka dhacay New York – ka hor guushii la gaaray bishii Diseembar, taas oo ay amaaneen Midowga Afrika, Washington, iyo Brussels.

Bishii December, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis is-afgarad ah oo ka dhacay Ankara kadib wadahadallo adag oo saacado qaatay, kaas oo lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana lagu bilaabay wadahadallo ku saabsan siinta Itoobiya marin badeed oo Soomaaliya ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this