Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kasoo kordhay xiisadda suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Suuqa-Bakaaraha-Bakaaro-scaled.jpg?fit=2

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii xal hordhac ah laga gaaray xiisaddii ka taagneyd suuqaas oo ka dhalatay canshuuraha dheeraadka ah ee ay dowladdu kusoo rogtay ganacsatada Muqdisho.

Dib u furidda suuqa Bakaaraha ayaa timid kadib markii uu xalay arrintan soo farogeliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna usimaha Madaxweynaha, Sheekh Aadan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo qaabilay guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada Gobolka Banaadir oo horay ugu dhowaaqay shaqo joojinta ay sameeyeen.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, iyo maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo welinayay ku simaha Madaxweynaha.

Guddiga ganacsatada ayaa Aadan Madoobe la wadaagay cabasho ay qabeen, maadaama dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Muqdisho.

Intaasi kadib ku simaha madaxweynaha ayaa u sheegay ganacsatada in dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.

Xiisadda suuqa Bakaaraha ayaa soo noq-noqotay waxana ganacsatadu ay sheegeen  inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, iyaga oo tilmaamay inay kasii wadi waayeen ganacsigooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyada oo la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.

Si kastaba, xirnaashaha suuqa ayaa saameyn xooggan ku yeelatay dad badan oo Soomaaliyeed iyo xittaa ganacsatada qudhooda, maadaama ay istaagtay shaqada, walow haatan xal laga gaaray, laguna heshiiyay in dib loo furo goobaha ganacsiga ee suuqaasi.

475950029_950623537248282_78869217788695 475950029_950623537248282_78869217788695 476186082_950623527248283_37229808582325 476186082_950623527248283_37229808582325 476609531_950623563914946_37528219744561 476673388_950623617248274_11762705624917

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this