Deeq A. Posted February 11 Madaxweynihii Hore Muxuu Leeyahay Maamuus? Arrintan aan ciwaanka ka dhigtay waxaa ka jawaabaya Dastuurka iyo Xeerarka ka dheegmay: Qodobka 93-aad ee Dastuurka wuxuu u dhiganyahay sidan: Hab-Maamuuska Madaxda Sare ee Qaran: 1- Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka ayaa leh maamuuska kowaad ee Qaranka 2- Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab maamuuska ku xiga 3- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab maamuuska saddexaad Dastuurka aynu ku dhaqano ee ay waajibka tahay in la ilaaliyo qodobadiisu sidaas ayuu uu yaqaab madaxda Qaranka iyo hab maamuuskooda. Xeerarka ka dheegmay Dastuurka, waa xeerka loogu yeedhay Xeerka Maamuuska Madaxweynihii hore, Madaxweyne-ku-xigeenadii hore, Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada iyo mudanayaasha Barlaamanka Xeer Lr 62/2020. Xeerkani wuxuu ka koobanyahay 15-qodob; Qodobkiisa saddexaad(Dhowrsanaanta) waxa uu u dhiganyahay sidan: 1- Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee hore, waxa ay lee yihiin dhowrsanaan sharci, oo la mid ah dhowrsanaanta mudanayaasha Baarlamaanka. Sida qodobkani sheegayo madaxda hore ee xilka ka degtay waxa ay leeyihiin maamuus mudane, sababtoo ah intuba waxa ay ku biirayaan Baarlamaanka, mana laha maamuuskii iyo dhowrsanaantii uu sheegay Qodobka 93-aad ee Dastuurka, taas oo micnaheedu tahay dhowrsanaantooda madaxda hore waxa ka qaadi kara Golayaasha ay ka tirsanyihiin, halka Madaxweynaha Qaranka dhowrsanaanta ay ka qaadi karaan labada Gole iyo Maxkamadda Sare. Akhriste marka intaas uu sharciga iyo Dastuurku uu qoray aad fahantay, waxa aan rabaa inaan ku caddeeyo kelmada ah Madaxweyne Hore, muxuu sharcigu uu yaqaan? Si aad uu fahanto aan ku sameeyo tusaale: Madaxweyne hore wuxuu la mid yahay xaaskaagii hore ee aad furtay, oo nin kale guursaday ka warran haddaad albaabkeeda cayaar ka hor tumato, iyadoo marwo ah, oo ninkii qabay ka masuul yahay nolosheeda; sharci ahaan, dhaqan ahaan, islaam ahaan midna ku fasaxi maayo guri aanad lahayn in aad ku hor ciyaarto. Waxa aan kusoo gebogebaynayaa dumarka la kala dumaalay xaqooda hala ilaaliyo sidii kuwii kaa horeeyeey uu ilaaliyeen. Fiiro gaar ah: Waxaa aan halkan kugu soo gudbinayaa Xeerka Hab-maamuuska Madaxdii hore; si aad uu fahanto sharcigi inoo yaal; ku darso xeerkan waxa saxeexay, oo dhaqangeliyey Madaxweynihii Hore Muuse Biixi Cabdi, Barlamaanka waxa uu saxeexay Guddoomiye Hore Baashe Maxamed Faarax iyo Xoghayaha Golaha Wakiilada Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. || Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Lifaaqa kala deg xeerka WQ-Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites