Sign in to follow this  
General Duke

Puntland southern front quite..

Recommended Posts

Galkacyo: 14-11-06 {Allmudug.com}

 

Jawiga Magaalada Galkacyo oo Degan iyo Ciidanka Daraawiishta oo Dhoolotus ku sameeyey xeryaha ku yaal magalaada gaalkacyo.

 

Dhaq Dhaqaaqyo aad u badan ayaa ka jira Gobolka mudug iyadoo manta ay dagan tahay xiisadihii ka taagnaa Gobolka mudug wallo ay jiraan Ciidamada Daraawiishta ee ku xaraysan xeryaha ku yaal Gudaha Magalaada galkacyo ay dhoolo tus weyn ku sameenayeen halkaas iyadoo uu tabar barkii u dhamadaay maal mihii la soo dhaafay ee ay ku soo gaba gabeeyeen tabar u soconayey bilahaan Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ee ku sugan Magalada Galkacyo.

 

Jawiga Magalada Galkacyo ayaa dagan kadib markii Qaar kamida Ciidamada Daraawiishta Puntland la geeyeey Jiida hore ee Bandiiradley iyagoo ku hubeysan Gawaarida Gaashaaman iyo hubka noocyadiisa kala duwan halkaas oo ay ku sugayaan amaanka Gobolka Muduga iyo wixii dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka mudug.

 

Si kastaba ha ahatee waxaa ay dadku indhaha ku hayaan dagaal Qaraar oo ka bilowda Bandiiradley iyadoo ay labada dhinac ee is hor fadhiyaa isku diyaarinayaan in ay dagaal isku qadaan maan damaama midowga maxakaiimta ay soo qaadeen Dagaal Gaadmaa ayaa hadana waxa ay ku jiraan sidii ay isku difaaci lahaayeen weerarka ay ku soo hayaan ciidamada Puntland ee ku sugan jiida hore ee bandiiradley..

 

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyoyinka midowga maxakiimta ay dal badeen ciidamo gurmada oo difaaca la gala kana yimaado jowhar iyo muqdisho wallow ay wararku sheegayaan in ay soo baxeen ciidamadaas balse Waxaa iyagana car cartooda qaba oo dagaal diyaar u soo noqday ciidamada Puntland oo haatan iyagu u soo diyaar garoobey in aysan mar naba joojin in ay dagaal ku qadaan Maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Isku soo wada duuboo Jawiga Magalada Galkacyo ayaa haatan dagan iyadoo ay dadka ku nool magalada galkacyo sameenayeen maal mihii la soo dhaafay baanan baxyo farabadan balse haatan ay u muuqato in jawigeedu is badal kuna soo laabatan sideedii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaaladii gobalada dhexe oo aan wax saamayn ah ku yeelan dhaq dhaqaaqi gacanacsi ee Puntland(Goor dhaw sawiro cusub)

Last Updated::2006-11-14 13:27:49

 

Bosaso:-Dagaaladii dhowaan ka dhacay gobalada dhexe ee dalka Somaliya ayaan haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga ee dawlad gobaleedka Puntland

Magaalada Bosaso oo iyadu ah caasimada ganacsiga ee dawlad gobaleedk Puntland halkas oo ay ku taal dekada wayn ee iyadu ah hal bawlaha dhaqaalaha Puntland ayaa waxaa iminka ku xiran maraakib iyo doonyo la ciiraya shixnadaha ganacsi ee ay ka soo daabuleen dalalka ay kamid yihiin Imaratka Carabta,Yemen ,Cumaan.

 

 

Doonayhan ayaa waxaa laga dejinayaa bagaash fara badan sida Bur ,Saliid, Sonkor iyo badeecoyin kale oo fara badan

Dad fara badan oo dan yar ah ayaa xamaali ahaan uga shaqaysanaya maraakibtan iyo doon yahan

baaburta loo yaqaan isjiidka ayaa dabadeed u daabulaya bagaashkan bakhaarada magaalada Bosaso halka baaburta candhamaydlaha loo yaqaan ay u sii daabulayaan ilaa Kilinka Shanad ee Etoobiya

 

Waxaa dadku ay si wayn ula dhac san yihiin xasiloonida buuxda ee Eebe ku manaystay degaanadooda taas oo horseeday in dhaq dhaqaaqyada ganacisga ay balaartaan islamarkana ay xasiloonidani soo jiidato in dadka Somaliyed ee ku sugan dibadaha ay Puntland ka dhigtaan meesha ay dhaqaalohoda ay ku soo rafaadeen ku aaminaan 'iyada oo haba yaraate aan Somalida loo kala soocin

 

Waxaa ay dadka reer Puntland si wayn uga soo horjeedan wax kasta oo khal khal gelinay xasiloonidan iyo degaanan shahan isla markana abuuri kari barakac iyo cadaawad hor leh oo kala gasha Shacabka Somaliyed ee iyagu isu talaabayay 15-kii sano ee la soo dhaafay

Waxaa dadka reer Puntland ay si wayn ugu kal soon yihiin in ciidamada Puntland ay jawaab adag ka qaadi doonan cidkata oo ku soo xadgudubta degaanada Puntland

 

Suuqdyada Ganacsi ee Bosaso

 

Suuqyadii ganaciga ee Bosaso ayaa camiran waxaana ka socda dhadhaaq ganacsi oo lixaadleh Ganacsatada ayaa mid kasta waxa uu ku dadaalaya inuu ku soo bandhigo suuqa alaabo ka yara jaban kana tayo fiican asxaabta kale ee uu ka dhexeeyo beratanka ganacsi .

 

Waxaa jira roobab lixaadleh oo ka da'ay degaanada ku dhaw magaalada Bosaso .

 

Degaanadas oo leh naq badan ayaa waxaa in dhahaaga soo jiidanaya geedaha cagaarka ah iyo biyo xareeda ah ee dhex qul qulaya .

 

Faysal wakaalad

Wakaalad@horseednet.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this