Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee XFS oo furay Shirweynaha ururrada Shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka qeyb galeen 320 ergo oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah, ayaa maalmaha uu socdo waxaa looga arrisan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuquraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la-dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimuquraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegey inuu ku faraxsanahay in Madaxweynaha JFS uu maalmo ka hor saxiixay Sharciga Shaqada ee dib-u-eegis lagu sameeyay, 52 saso kaddib, taas oo guul muhiim ah u ah shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Waxa uu si lamid ah xusey in Xukuumada DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta Barnaamijka Shaqo Wanaagsan (Decent Work Country Programme) oo ah mid mudnaan sare u leh Soomaaliya, si loo xaqiijiyo koboca dhaqaalaha oo la jaanqaado fursadaha shaqo ee dalka ka jira.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this