Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaabulka dagaal hor leh oo ka bilowday maamul goboleedkii labaad

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-xoogga-dalka-ciidamada-militeri

Jowhar (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa bilaabay abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe, si looga xoreeyo deegaannaasi, si lamid ah Puntland oo iska xoreyneyso kooxda Daacish.

Abaabulka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa duleedka magaalada Jowhar, halkaas oo la’isugu geeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo loo diyaariyay inay xoreeyaan degmasa Gamboole iyo deegaannasa u dhow ee gobolkaasi.

Mas’uul ka tirsan HirShabelle iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhiirogelin ugu tegay ciidamadaasi, si ay ugu boggaadiyaan la dagaaallanka kooxaha argagixisada ah ee ku sugan halkaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta HirShabelle Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo kamid ah mas’uuliyiinta tegay jiidda hore ee dagaalka ayaa ka warbixiyay abaabulka dagaal ee ka socda galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo sheegay in socdaalkooda uu kusoo dhammaaday si guul ah.

“Kormeerkeenna wuxuu ku saabsanaa amni sugid iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, safarkeenna si guul ah ayuu kusoo dhammaaday, Khawaarijtana waa sii dhammeystireynaa” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in saacadaha soo socda ay dhaqaaqi doonaan ciidamada, isla markaana ay gaari doonaan degmada Gamboole oo haatan wax yar u jiraan, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

“Degmada Gamboole hadda waxay noo jirtaa wax 15 KM ka yar, Ilaahey idinkiis waan tegi doonaa waqtiyada soo socda iyo saacadaha nagu soo aadan, insha allah” ayuu sii raaciyay.

HirShabelle ayaa noqoneysa maamul goboleedkii labaad ee abaabula dagaal ka dhan ah argagixisada, waxaaa dagaalkan mid lamid ah uu haatan ka socdaa Puntland oo howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this