Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Khasaaraha dagaalkii ugu adkaa oo maanta dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1739282172015.jpg?resize=720%2C48

Dagaalkii ugu adkaa tan iyo intii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee buuraha Calmiskaad ayaa maanta dhexmaray ciidamada difaaaca dowladda Puntland iyo mileeshiyaadka go’doonsan ee Argagixisada Daacish.

Dagaalka oo bilowday hiirtii waaberi ee saaka kaddib markii kooxda Daacish Ciidanka ku soo weerartay qaraxyo islamarkaana socday in ka badan 14 saacadood oo toos ah ayaa sida wararku sheegayaan istaagay wixii ka danbeeyay 4:00pm galabnimo.

Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in ciidamada difaaca dowladda Puntland ku guulaysteen in ay si buuxda u jebiyaan mileeshiyaadkii Daacish islamarkaana la wareegeen dhammaan degaannii lagu dagaallamay oo dhaca togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 90 xubnood oo ka tirsan dagaaallamayaasha Daacish lagu dilay dagaalkii maanta kaasi oo noqday khasaarihii ugu badnaa ee kooxdaasi go’doonsan ku dhac hal dagaal tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ISIS.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan askari iyo saraakiil ciidamada difaaca Puntland kaga dhintay iyo kuwa kaga dhaawacmay dagaalkii maanta inkastoo aysan dowladdu weli ka hadal khasaaraha ciidamada gaaray.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Khasaaraha dagaalkii ugu adkaa oo maanta dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this