Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelaha Shiicada ee Suuriya oo billaabay in ay dal kale u guuraan kadib markii la…

Recommended Posts

Deeq A.   
Shia-2.png?fit=1083%2C895&ssl=1

Dimishiq (Caasimada Online) – Qabiilooyinka Shiicada ah ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen dalka Suuriya una gudbeen dalka Lubnaan, kaddib maalmo ay ku dagaallamayeen ciidamada Suuriya xuduudda.

Dowladda KMG ah ee Suuriya, oo u badan xubno ka tirsan kooxdii hore ee fallaagada Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), ayaa Khamiistii waxay ka bilowday “olole ballaaran” tuulada xuduudda ku taalla ee Hawik.

Gobolka, oo la sheegay inuu qayb ka yahay dariiq loo isticmaalo tahriibka oo ay isticmaasho Xizbullah, dhaqdhaqaaqa Lubnaan ee taageeri jiray dowladdii la riday Suuriya, ayaa waxaa u badan xubno ka tirsan qabiilada Zaiter iyo Jaafar, oo dega Lubnaan iyo Suuriya.

Qabiilada ayaa si xooggan ula dagaallamay ciidamada Suuriya, kuwaas oo sheegay inay burburinayaan tahriibka hubka iyo daroogada.

Sida ay sheegtay warbaahinta l’Orient Today ee dalka Lubnaan, qabiilada ku lugta leh dagaallada waa qoysaska Zaiter, Jaafar, Noun, Jamal iyo Rachini, qoysas Shiica ah oo Lubnaan u dhashay oo qarniyo badan ku noolaa meelaha xadka ah.

“Si aan uga fogaanno wax kasta oo isku dhac ah, waxaan xubnaheennii ula baxnay dhanka gudaha xuduudaha Lubnaan, iyaga oo ka barakacay tuulooyinkoodii. Nasiib darro, taasi nama caawin, maadaama magaalooyinkeena gudaha Lubnaan lagu weeraray hub culus,” ayuu xubin ka tirsan qabiilka Jaafar ku yiri war-saxaafadeed.

Duqeymo ayaa ku dhacay dhulka Lubnaan maalmihii la soo dhaafay, gaar ahaan gobolka Hermel ee waqooyi-bari, iyaga oo dilay dhowr qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan hal qof oo qaxooti Suuriyaan ah.

Beelaha ku nool waqooyiga Dooxada Beqaa ayaa cabasho ka muujiyay “dayacaad” ay ka dareemeen dowladda Lubnaan, taasoo ay sheegeen inay ku khasbtay inay iyagu difaacaan deegaannadooda.

Jimcihii, Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya Ahmed al-Sharaa, waxayna ku heshiiyeen in “la isku kaashado xakameynta xaaladda iyo in laga hortago weerarrada shacabka lagu beegsanayo.”

Sabtidii, ciidamada Lubnaan ayaa si ku-meel-gaar ah u soo celiyay xasiloonida, inkastoo rasaas goos-goos ah dib loo maqlay.

Milatariga Lubnaan ayaa sheegay in Aoun uu amar ku bixiyay in cutubyo militari loo diro xuduudaha waqooyi iyo bari “si looga hortago rasaas ka timaadd dhanka Suuriya.”

“Cutubyadani waxay bilaabeen inay ka jawaabaan weerarrada iyagoo adeegsanaya hub ku habboon, iyadoo la eegayo dagaalladii dhawaan ka dhacay gobollo kala duwan oo Lubnaan ah.”

Xuduudda Lubnaan iyo Suuriya ayaa marar badan wajahday dagaallo goos-goos ah iyo caqabado dhanka maamulka tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad, 8-dii December.

Todobaadyadii ugu horreeyay kaddib markii uu Assad xilka ka degay, dagaalyahanno hubeysan oo Suuriyaan ah ayaa kula dagaallamay ciidamada Lubnaan meelo badan oo ka tirsan xuduudda labada dal.

Si loo xakameeyo xaaladda, dowladda cusub ee Suuriya ayaa xaddiday gelitaanka muwaadiniinta Lubnaan, haddii aysan lahayn ruqsad deggenaansho, aysan guursan qof Suuriyaan ah, ama aysan haysan oggolaansho gaar ah.

Bishii Janaayo, xeerarkan ayaa wax yar la fududeeyay, iyadoo ruqsado la siiyay shaqaalaha, ardayda, bukaannada, iyo suxufiyiinta reer Lubnaan haddii ay haystaan dukumenti sax ah.

Kahor dhacdooyinkan, dadka reer Lubnaan waxay si xor ah ugu geli jireen Suuriya iyagoo muujinaya oo kaliya kaar aqoonsigooda qaran, iyagoon u baahnayn fiiso ama baasaboor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this