Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta weerar ku bilowday qaraxyo oo Daacish ku qaaday ciidanka PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   
Hawlgal-Calmiskaad.jpg?fit=2048%2C1350&s

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo maanta kooxda Daacish ku qaaday ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa saaka aroortii hore waxa ay kooxdu ka fulisay deegaanka Haraaryo oo u dhow Toga-Jaceyl oo ay isku hayaan labada dhinac.

Daacish ayaa weerarkan usoo abaabushay si wayn, waxaana fuliyay rag ismiidaamiyay oo ajaaniib u badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Khasaare xooggan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhasha weerarka, waxaana Puntland ay shaacisay inay xubno badan ka dishay dagaalyahannada weerarka soo qaaday.

Sawirro lagu baahiyey barta Telegram ee ciidanka ayaa muujinaya ajaaniib u badan kuwa Madaw ah oo qaarkood isqarixiyey, kuwa kalena ay ciidamadu toogteen.

Dhinac kale qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka kooxda dhegta dhiigga loo daray, isla-markaana dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay weerarka ay saaka kusoo qaadeen ciidamada ammaanka.

“Ciidanku waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal taliska.

Sidoo kale waxa lasii raaciyay “Saaka maydkooda Argagixisada Daacish, ayaa meel walbo yaallo – Haraaryo , Tog jeceel, buuraha Calmiskaad”.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo culus laga dareemayaa aaga buuraha Calmiskaad oo ah halka ay isku hayaan Puntland iyo kooxda Daacish.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn dhanka cirka ah oo Isniintii shalay ⁹lagu beegsaday Daacish, loogana dilau illaa 13 dagaalyahan oo ajnabi ahaa, sida ay shaacisay Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this