Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Hawlgalka xooggan ee Saaka Ciidamada Puntland ka wadaan Cal-miskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1739258987389.jpg?resize=720%2C48

Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya sida uu ku bilowday Hawlgalka culus oo ay saaka ciidamada Puntland ka wadaan degaannada Haraaryo iyo Qurac ee togga Jeceel kaasi oo lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.

Hawlgalkani ayaa bilowday kaddib markii mileeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ay aroornimadii hore ee saaka weerar qaraxyo iyo dagaal toosa ku soo qaadeen degaanka Haraaryo ee togga Jeceel oo ahayd difaaca hore ee Ciidamada dowladda Puntland ee dagaalka kula jira dagaallamayaasha ISIS.

Ciidamada difaaca Puntland oo sii hayay xogta weerarka ayaa ku guulaystay in ay si buuxda u fashiliyaan isku daygaasi Argagixisada waxaana ay dileen dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday oo isugu jiray ismiidaamiyaal iyo dagaallamayaal hubaysan oo dagaal toosa soo qaaday sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland.

Intaasi kaddib ciidamada difaaca Puntland oo ka dhaqaaqay degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa hawlgal xooggan ku qaaday goobihii ay saaka weerarka ka soo qaadeen dagaallamayaasha Argagixisada Daacish halkaasi oo uu weli ka socdo hawlgal sifayn ah islamarkaana saraakiisha ciidamadu sheegayaan in kooxda laga saaray.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Hawlgalka xooggan ee Saaka Ciidamada Puntland ka wadaan Cal-miskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this