Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shuruud adag ku xirtay wada-hadallada Somaliland kadib arrin ay ka carootay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Cirro-scaled.jpg?fit=2560%2

Hargeysa (Caasimada Online) – Sanad kaddib markii maamulka Somaliland uu heshiis is-afgarad ah oo dhanka badda ah la saxiixday dowladda Itoobiya, ayaa maamulka cusub ee Hargeysa wuxuu haatan doonayaa inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo dhisay gole wasiirro ah oo aqlabiyad ahaan taageersan in dib loo hagaajiyo xiriirka Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in la soo celiyo saameyntii diblomaasiyadeed ee luntay.

Wax yar kaddib doorashadii madaxtinimada Somaliland ee 2024-tii, Maxamuud Aadan Jaamac (Galal), oo ah afhayeenka xisbiga Waddani, isla markaana dhowaan loo magacaabay wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya Taiwan, ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka cusub uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiskii is-afgaradka badda ee lala galay Itoobiya.

“Xisbiga Waddani wuxuu heshiiskaas is-afgaradka badda u arkaa tallaabo khaldan oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, u adeegsaday si uu ku qariyo guul-darrooyinkii hoggaamineed, isla markaana uu uga faa’iidaysto siyaasad ahaan ka hor doorashadii madaxtinimada ee 2024-ka,” waxaa sidaas qortay xarun cilmi-baaris oo ku taalla Hagreysa.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoos u dhigtay howlihii Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland, xafiiskaas oo sanadkii 2023-kii loo xil saaray inuu wadatashiyo qaran ka sameeyo arrimaha wada-hadallada lala yeelanayo maamulka Somaliland.

Cabdikariim Guuleed, oo ah madaxa Xafiiska Ergeyga, ayaa booqasho ku tagay Galmudug sanadkii 2023-kii, taasoo qeyb ka ahayd socdaallo wadatashi ah oo uu ku marayay dalka, xilligaas oo uu socday dagaalkii Laascaanood.

Guuleed ayaa si cad oo aan shaki ku jirin u diiday sheegashadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ee ku saabsanayd in xuduudihii gumeysiga lagu saleeyo gooni-isu-taagga Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dib u bilaabo wada-hadallada -maamulka Somaliland, hal sano kaddib munaasabaddii arooska ee sanadkii 2022-kii ka dhacday Jabuuti.

Dadaallada Madaxweyne Geelle ayaa horseeday heshiiskii bishii December 2023-kii ee Jabuuti ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Heshiiskaas ayaa maamulka Somaliland u aqoonsaday hay’ad ka madax-bannaan Dowladda Federaalka, waxaana lagu soo nooleeyay heshiisyo hore oo ay ku jirtay qodob dhigaya “in aan la siyaasadayn gargaarka bani’aadminimo,” qodobkaas oo uu Madaxweyne Biixi u cuskaday inuu saxiixo heshiiskii is-afgaradka badda ee Itoobiya.

Heshiiskaas is-afgaradka badda ayaa xumeeyay xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ka hor inta uusan dhalan heshiiskii Ankara ee 2024-kii, kaas oo ku qasbaya dowladda Addis Ababa inay ixtiraamto midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si sharciga waafaqsan u raadsato marinno ganacsi oo badda ah.

Heshiiskii is-afgaradka badda ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay mabaadii’ cad oo hagta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Halka siyaasiyiinta Muqdisho ay u arkayeen matalaadda Somaliland ee hay’adaha federaalka tallaabo dano gaar ah laga leeyahay, ayaa maamulka gooni-u-goosadka ah waxa uu matalaaddaas u fasirtay mid lagu taageerayo sheegashadiisa gooni-isu-taagga oo ku dhisan xuduudihii gumeysiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday baaqyo loogu jeedinayay inay dib u bilowdo wada-hadallada ay la yeelan lahayd maamulka Somaliland.

La-taliye sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri, “Mabda’a hagaya wadahadal kasta oo mustaqbalka dhaca waa inuu ku qasbayaa maamulka Somaliland inuu u hoggaansamo waajibaadka ka saaran ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.”

Magaalada Diridhaba, halkaas oo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay aqoonsiga ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay Xeer Ciise inuu ka mid yahay dhaxalka dhaqameed ee aan la taaban karin ee adduunka, ayaa dowladda Itoobiya waxay u diiday wafdi ka socday maamulka Somaliland inay khudbad ka jeediyaan munaasabadda. Taas beddelkeeda, waxaa madasha khudbadda loo ogolaaday wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this