Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Sheekh Shariif oo si adag uga horyimid wixii shalay ka dhacay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheekh-Shariif-scaled.jpeg?fit=2560%2C17

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga horyimid tallaabadii shalay awoodda ciidan lagula wareegay guriga hooyooyinka.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa shalay subax ku jarmaaday guriga hooyooyinka, kuwaas oo guud ahaan la wareegay dhismaha guriga, islamarkaana xiray qaar kamid ah haweenkii ku sugnaa halkaasi.

Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyay falkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan dowladnimada, “Xisbiga wuxuu cambaareynayaa falka ka baxsan anshaxa dowladnimada ee lagula kacay haweenka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan weerarkii lagu qaaday gurriga Hooyooyinka halkaas oo lagu jirdilay haween Soomaaliyeed, kuwa kalena lagu xiray.”

Sidoo kale waxa uu xisbiga ugu baaqay madaxda sare ee dowladda in aysan dhegaha ka fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan, kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed.

“Canshuurtu waa waajib saarran muwaadinka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa hay’addaha maaliyadda dowladda federaalka looga baahan yahay inay la yimaadaan hannaan canshuur qaadis oo ka hufan musuq-maasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan,” ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay xisbiga.

Waxa uu intaas kusii daray “Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho waa canshuur bixiyaasha ugu badan dowladda, mana helaan adeeg dowladeed sidaas darteed waa muhiim in dareenkooda si dhab ah loo tixgaliyo.”

Dhinaca kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa wuxuu ka digay sii socoshada xiisadaa colaadeed ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, gaar ahaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo hoggaanka dowladda ugu yeeray in khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland lagu xaliyo wada-hadal, lagana fogaado gacan ka hadal iyo in ciidamada qaranka loo adeegsado.

Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka xisbiga lagu bogaadiyay howl-gallada wada-jirka ee ciidamda qaranka iyo kuwa Macaawiisley ka wadaan qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan guulihii ugu dambeeyay ee ciidamada ka soo hooyeen dagaalada ka socda gobolka Hiiraan.

Himilo1.jpg?resize=696%2C985&ssl=1

Himilo2.jpg?resize=696%2C985&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this