Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigan tahay in dowladda isu-guuriso xubno ka yimid Shabaab? (Saddex qodob)

Recommended Posts

Deeq A.   
477110999_1018769880273087_4114614127940

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekada ugu hadal-haynta badan Soomaaliya ayaa noqotay qisada Abshir Aadan Maxamed iyo Xafsa Maxamed Macallin.

Gabadhan oo ka tagtay gobolka Bakool, kuna sii jeeday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, si ay ula aqal gasho Abshir oo ka tirsanaa argagixisada ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay laamaha amniga ee dowladda federaalka.

Labaduba waxay kasoo jeedaan gobolka Bakool, waxay rabeen in nikaaxooda ay deegaan rasmi ah u beddelaan. Abshir markii uu ka war helay in xaaskiisa la qabtay ayuu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya. Markii la maxkamadeeyay labadaba, dowladda waa cafisay gabadhii, halka Abshir uu mari doono hal sano uu mari doono hal sano oo dhaqan celin ah.

Waxaase dad badan taabatay in xubin argagixiso ah uu jaceyl dartiisa u beddeli karo fikirkiisa. Xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha gaashaandhiga Cumar Cali Cabdi ayaa goobjoog ka noqday madal Sabtidii lagu kulmiyay lamaanahan.

Xafsa waa xor oo waa lasii daayay waana la damiintay, halka Abshir uu hal sano oo dhaqan celin ah mari doono. Waxaa la sheegay in la siiyay lacag dhan 3,000 dollar, si ay aroos ugu sameystaan.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay tallaabadan iyo in xubno dowladeed ay bixiyaan lacago la iskugu guurinayo xubno ka yimid argagixisada.

1. Baahida guurka

Xafsa iyo Abshir waxay muujiyeen inay qabaan baahi guur. Waxaa dhici karta inay argagixisada ula joogeen inay ka helaan dhaqaale ay reer ku noqdaan.

In qodobkaasi la fududeeyay waxay ka dhigan tahay in baahidoodi la xaliyay oo jidkii argagixisada laga soo xiray. Kuwo badan ayaa jira oo argagixisada u galay duruufo dhaqaale.

2. Fulinta ballantii dowladda

Horey madax dowladda federaalka Soomaaliya waxay u ballanqaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono qofkii kasoo laabtay fikirka argagixisada. Sida labadan dhalinyarada ah loola dhaqmay waxay ka dhigan tahay in dowladda fulisay ballankeedii. Caadiyadan xubnaha isa soo dhiiba waxaa loola dhaqma si ka duwan sida kuwa lasoo qabtay.

3. Farriin ku socota dhalinyarada weli ku dhagan fikirka argagixisada

Waxaa jira xubno badan oo argagixisada la jooga oo aaminsan haddii aad dowladda isku dhiibtaan waa la idin dhibaateyn doonaa.

Sidaas awgeed sida loola dhaqmay Xafsa iyo Abshir waxay farriin ugu filan tahay dhalinyaradaasi kale ee ay argagixisada duufsatay ee cabsida ku nool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this