Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Fiqi oo Muqdisho ku qaabilay wasiir ka tirsan Turkiga – Muxuu kala hadlay?

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.40-PM-

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga Prof. Burhanettin Duran.

Wasiir Fiqi ayaa wafdigaan ka socda Turkiga kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee  soo baxay 11-kii December, 2024.

Baaqaas ayaa lagu heshiisiiyey dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana garwadeen ka ahaa dowladda Turkiga.

Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgashiga, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga.

Labada Wasiir ayaa isku raacay in la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh.

Kulankani ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Xamsa Aadan Xaadow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyada oo inta kulanka lagu guda jiray lagu wadaagay ka go’naanshaha labada dal ee walaalaha ah horumarinta iskaashi istiraatiijiyadeed oo kor u qaadaya dhinacyada muhiimka u ah dano wadaagga.

Imaashaha wafdigaan ayaa ku soo aadaya iyadoo la filayo in madaxweynaha Turkiga Erdogan uu safar ku yimaado magaalada Muqdisho.

WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.43-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.42-PM- WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.42-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.41-PM- WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.41-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.40-PM- WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.40-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.39-PM- WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.39-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.37-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.36-PM- WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.36-PM. WhatsApp-Image-2025-02-10-at-8.11.35-PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this