Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

Recommended Posts

Deeq A.   

2-scaled.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/02/2025-ka, dhaariyay Cabdilaahi Diini Cabdilaahi Hande, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.
Mudanaha la dhaariyay ayaa buuxiyay jago uu dhawaan banneeyay, AHN mudane Diini Cabdilaahi Hande, taasi oo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo Cabdilaahi Diini Cabdilaahi Hande.
Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
ALLAA MAHAD LEH
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this