Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Imaaradka Carabta ayaa u diiday Madaxweynaha Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

 

img_2_1739196705926.webp

Dawlada Imaaradka Carabta ayaa u diiday Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalkaasi kaga qayb galo Shir ay ka qayb galayaan Madaxda Caalamku Sida Ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Luqmaan Media.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sacadihii ugu danbeeyay ku jira sidii Dawlada Imaaradka Carabta looga ergeyn lahaa ka qayb galkiisa shirkaas balse ilaa iyo hada Dawladda Imaaradka Carabtu may aqbalin.

Taas Badelkeeda Madaxweynaha Somaliland ayaa Hargeysa kaga duulay Diyaarad Khaas oo Dawlada Imaaradka Carabtu u soo dirtay taaso ka degaysa Garoonka ay ka degayaan 30-ka Madaxweyne ee Shirka ka qayb galaya iyo madaxda sare ee caalamka ka socota Iyadoo Madaxweyne Cirro loo diyaariyay soo dhawayn la meeqam ah Madaxweynayaasha Caalamka.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this