Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo magaca Soomaaliya ku badelay midka Soomaaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaca Soomaaliya ku badashay midka Soomaaliland, ayadoo wasiirro xukuumadda Federaalka ka tirsan sheegtay inay matalayaan  Soomaaliland oo mageceeda  loo qoray “Jamhuuriyadda Soomaaliland” sida lagu baahiyay bogga shir weynaha world governments

Wasiirradan oo kala ah wasiirka maaliyadda iyo wasiirka dhallinyarada XFS, ayaa magacyadooda si sax ah loo qoray, balse dalka ay ka socdaan ayaa lagu sheegay Soomaaliland oo loo dhigay “Jamhuuriyadda Soomaaliland”.

Si kastaba ha ahaatee lama oga in qalad farsamo ay ku timid arrintani iyo inay ku talo-gal tahay, balse Madaxweynaha Soomaaliland ayaa asna isla shirkan lagu casuumay sida uu sheegay maamulkiisu, balse magaciisa bogga shirka lagu xusin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this