Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo jawaab kulul ka bixiyey hadal yaab leh oo ka soo yeeray Netanyahu

Recommended Posts

Deeq A.   
2024-09-11T180811Z_1577458662_RC2HY9AIFJ

Riyadh Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ku saabsanaa ka barakicinta Falastiiniyiinta dhulkooda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga Axadda maanta ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa soo jeediyay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo lagu aas-aaso dhul Sucuudi ah. Netanyahu ayaa u muuqday inuu kaftamayo Khamiistii markii uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay weriye ka tirsan Channel 14 oo taageera Netanyahu, kaasoo si khalad ah u yiri “dawladda Sucuudiga” halkii uu ka oran lahaa “dawladda Falastiin,” ka hor inta uusan saxin.

Inkasta oo bayaanka Sucuudiga lagu xusay magaca Netanyahu, haddana si toos ah looguma xusin hadallada ku saabsan dhisidda dowlad Falastiini ah oo laga unko dhulka Sucuudiga.

Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay soo jeedimaha Israa’iil, iyadoo Qaahira ay ku tilmaantay fikraddaas “ku xad-gudub toos ah oo lagu sameynayo madax-bannaanida Sacuudiga.”

Boqortooyada ayaa soo dhoweysay “diidmada dalalka walaalaha ah ee ku wajahan hadallada Netanyahu.”

“Maskaxda xag-jirka ah ee gumaysiga taageerta ma fahamsana waxa dhulka Falastiin uu uga dhigan yahay shacabka walaalaha ah ee Falastiin iyo xiriirka damiirka, taariikhiga, iyo sharciga ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dhulkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Doodaha ku saabsan masiirka Falastiiniyiinta Gaza ayaa cirka isku shareeray kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu Talaadadii soo jeediyay qorshe lama filaan ah oo ah in Mareykanku “la wareego Marinka Gaza” oo uu ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe” kaddib marka Falastiiniyiinta meel kale loo raro.

Dalalka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Trump, kuwaasoo yimid xilli xabbad-joojin jilicsan ay ka jirtay dagaalka Gaza oo Israa’iil ay kula jirto kooxda Xamaas, taasoo gacanta ku haysa Marinka.

Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan dalbanayn dowlad Falastiini ah si uu xiriir ula yeesho Israa’iil. Balse Riyadh ayaa si cad u beenisay hadalladiisa, waxayna sheegtay inaanay wax xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa la dhiso dowlad Falastiini ah.

Mas’uuliyiinta Gaza ayaa sheegay in dagaalka uu dilay in ka badan 47,000 oo ka mid ah ku dhawaad 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas ku nool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this