Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo ka baxday marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israa’iil ayaa Axadda maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ergo u diray dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dhinaca wadaxaajoodka ah, balse ergada waxaa kamid ah saraakiil heer hoose ah, arrintaas dhalisay shaki ah in aysan keeni doonin natiijo wax ka tarta xabbad-joojinta. Netanyahu ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadkan shir la yeesho wasiirradiisa muhiimka ah si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska. Dilal ka dhacay Daanta Galbeed Axaddii, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in laba haween ah oo da’doodu tahay 20-meeyada, mid kamid ahina ay lahayd uur sideed bilood, ay ciidamada Israa’iil toogteen xilli ay howlgallo ballaaran ka wadeen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Tan iyo markii ay xabbad-joojintu billaabatay 19-kii Janaayo, heshiisku wuxuu la kulmay caqabado badan iyo khilaafyo u dhexeeya labada dhinac, taasoo muujineysa nuglaanta heshiiska. Axadda maanta ah, waxaa la arkayay baabuur xamuul ah oo sida agab kala duwan, sida taangiyo biyo ah iyo boorsooyin, kuwaasoo u socdaalaya waqooyiga iyaga oo maraya jidka Netzarim. Sida uu qabo heshiisku, Israa’iil waa inay u ogolaataa baabuurta inay maraan iyada oo aan la baarin, mana muuqan wax askar ah oo joogay hareeraha jidka. Afhayeenka Xamaas, Cabdil-Latif Al-Qanoua, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ay caddeyn u tahay in Xamaas ay “ku qasabtay cadowga inuu aqbalo dalabkeenna” isla markaana ay fashilisay hadalkii Netanyahu ee ahaa “guul buuxda.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this