Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo booqday askartii ku dhawaacantay dagaalka, sameeyay ballan-qaad culus

Recommended Posts

Deeq A.   
476351767_1074957228008749_8716491616272

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey.

Dhaawcayda ciidamada ayaa ku jira isbitaallada xoogga dalka iyo qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamadan oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna. Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo isbitaalka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, madaxweynaha ayaa oo warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Agaasinta Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeeyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

476333646_1074957271342078_5783970266193

475760048_1074957134675425_9188617595377

476351767_1074957228008749_8716491616272

476622689_1074957258008746_7726990880614

476644103_1074957198008752_4830990007032

476209174_1074957144675424_2350159292525

476633531_1074957221342083_9214816833920

476782925_1074957334675405_7921170470709

476727224_1074957188008753_2458123120526

476463427_1074972828007189_5903297700814

476855869_1074972844673854_2173865074420

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this