Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta afduub cusub oo maanta ka dhacay biyaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Somalia-Pirates-Burcad-Badeed.webp?fit=2

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xeebaha degmada Eyl ee gobolkaasi lagu afduubtay doon kalluumeysi.

Doontan oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa waxaa la tilmaamaya in dabley hubeysan oo kasoo jeeda deegaannada Puntland ay xeebaha degmadaasi ku qafaasheen.

Doonta la afduubtay ayaa waxay shati kalluumeysi ka haysatay maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Lama oga dhanka ay dableyda u la aaday doonta, mana jirto illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland, inkasta oo saraakiisha qaar aan la hadalnay ay xaqiijiyeen dhacdadan.

Afduubkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee noociisa ee sanadkaan ka dhaca xeebaha Puntland, ayadoo daba-yaqaadii bishii November ee sannadkii tagey ee 2024 ay aheyd markii u dambeysay ee dabley hubaysan xeebaha Puntland ku afduubtaan markab kalluumeysi.

Markabkaasi oo laga lahaa dalka Shiinaha ayaa waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag madax-furasho ah. Waxaana la aaminsan yahay in tani ay dhiiri-gelin u noqotay afduubka kasoo cusboonaaday biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 160 weerar ka badan laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this