Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga dhismaha Waddada Baligubadle

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa – 09-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga jidka isku xidhi doona Baligubadle – Hargeysa .

Madaxweynaha iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa Magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd kaga qeyb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey daah-furka Wadadaas

???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????? ????????????????????????-???????????????????????? ???????????????????????????? ????????????????????????????????????????????????:

???????????????????????? ???????????????? ????????????????????????

Maanta, waxa aan Gobolka Hawd doortay in aan ka bilaabo safarkaygii koowaad ee dalka gudihiisa iyo dhagax dhigga dhamaystirka dhismaha wadada muhiimka ah ee Hargeisa-Balligubadleh oo ka mid ahaa ballan qaadayadii xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad ee boqolka maalmood ee ugu horeeyaa muddo xileedkeeda.

Ilaahay baan ugu mahad naqayaa inuu fulo balan qaadkaasi. Gobolka Hawd waa xaruntii iyo Hooyadii halganka, maantana waxa aan rabaa inay astaan u noqoto midnimada iyo wadajirka shacbiga Reer Somaliland.

Kaabayaasha ay jidadku ka mid ka yihiin waa seeska ugu muhiimsan ee uu horumarku ka bilowdo, waxaana ay hormuud u yihiin koboca magaalooyinka iyo horumarka dhaqaale ee bulshada.

Sidaas awgeed, sida aannu horeba u ballan-qaadnay waxa aannu ahmiyad weyn siin doonaa dhismaha Waddooyinka Dalka, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee isku xidha ilaha dhaqaalaha iyo magaalooyinka.
Waddadanina faa’idooyin aan la soo koobi karin ayey u leedahay gobolka Hawd, caasimadda Hargeysa iyo xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Ethiopia.

Wadadanina Waxay yarayn doontaa waqtigii isu socodka Hargeisa iyo Balligabadle, kharashkii gaadiidka, haday noqoto shidaal iyo dayactirba. Waxaa fududaan doona isu socodka badeecadaha iyo adeegga suuqyada Hargeysa ka imanaya iyo waxsoosaarka uu gobolku suuqa Hargeysa geynayo, taas oo kobcinaysa ganacsiga magaalada Baligubadle, shaqo abuurka, iyo gaadhitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo fursadaha dhaqaale ee caasimadda yaalla.

????????-???????????????????????????????? ???????????? ????????????????????-????????????????????????????

Hoggaamiyeyaasha bulshada ee deegaannada ay mashaariicda horumarintu ka socoto, ganacsatada, iyo muwaadiniinta oo dhanba, waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan, isla markaana ilaashadaan mashaariicda horumarineed ee deegaannadooda ka socda ee ay waddadani ka midka tahay.

Waxaan si aad ah idiinku adkaynayaa ilaalinta bad-qabka waddo-marista gaadiidka. Shilalka gaadiidku aad bay inoogu badan yihiin, dhalinyarada gaadiidka wadata ee xawliga ku kaxaysa, , wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyi xamuulkaba waxaan ugu baaqayaa in ay xil iska saaraan ilaalinta nafahooda , bad qabka iyo badbaadada bulshadoodaba.

Hay’adaha xukuumadda ee shaqadan u xil-saaran, waxaan farayaa in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta shuruucda wado-marista, la socoshada bad-qabka gaadiidka, hubinta iyo adkeynta rukhsadda wadista gaadiidka.

Waddadani qiime weyn ayey u leedahay isu-socodka iyo xoojinta xidhiidhka dadka walaalaha ah ee ku nool labada dhinac ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Taasoo wax weyn ka tari karta is-dhexgalka, iyo koboca dhaqaalaha iyo nabadgelyada labada dal ee walaalaha ah.

???????????????????????????????? ????????????????????????????????????????????

Xukuumaddaydu waxay xoogga saari doontaa mashaariicda horumarinta hadba intii inoo suurtagasha, annaga oo xil iska saari doonna inay gobollada iyo deegaannada dalka si siman u wada gaadhaan.

???????????????????????? ????????????????????????

Maanta waxa aan dhagax dhigayaa dhamaystirka dhismaha wadada muhiimka ah ee Hargeisa-Balligubadleh oo ka mid ahaa ballan qaadayadii xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad ee boqolka maalmood ee ugu horeeyaa muddo xileedkeeda.

Magaca Alle iyo barakadiisa ayeynu ku bilaabaynaa,
Insha Allaah guul ayaanay inoogu dhammaan doontaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this