Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii fallaagada RSF ee dalka Suudaan oo la la’yahay iyo howshiisii oo nin kale hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargayska Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in Taliyaha Taageerada Degdegga ah ee dalka Suudaan Mohamed Hamdan Dagalo aanu muddo bil ah goob fagaare ah ka soo muuqan, taas oo keentay in shaki laga muujiyo bedqabkiisa iyo halka uu ku suganyahay.

Janaraal dagaalo ayaa khodbaddii ugu dambeysay ee uu jeediyay ku sheegay in ciidamadiisu ay khasaare xoogan kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan militariga Suudaan, asagoo sheegay in duqeymaha cirka ahi ay waxyeello weyn u geysteen xoogagga uu hoggaamiyo.

Hadda ay ciidamada dowladdu la wareegeen inta badan caasimadda Khartoum, Janaraal Mohamed Hamdan lama oga meel uu ku suganyahay, waxaana la sheegay in hoggaaminta meleeshiyada RSF uu hadda hayo walaalkiis.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this