Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ahlu Sunnah Defeats Alshabaab in Dhuusamareeb

Recommended Posts

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la wareegay gacan ku heynta degamda dhusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaana rasaas xoogan laga maqalayaa duleedka magaaladaasi.

 

Dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Madaxda gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb kadib dagaal xoogan oo Saakay ay ku soo qaadeen magaaladaasi.

 

Dagaalka oo ka dhacay qeybo ka mid ah bartamaha magaalada Dhuusamareeb saacado kadib Suurta gashay in dhaq dhaqaaqa Al Shabaab gacan ku heynta magaaladaasi laga wareego islamarakaana ay qabsadaan Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Dagaalka ayaa waxaa inta la ogyahaya ku nafwaayaya ilaa 10- qof oo mid ka mid ah uu yahay rayid halka 15-kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay cusbitaalka guud ee magaaladaasi.

 

Magaalada ayaa haatan waxaa ay tahay mid dagan,waxaana dadkii saakay lagu dul dagaalamay ay haatan fursad u heleen in ay soo baaqdaan goobihii ay dagaaladu ku dhex mareen iyadoo ay noqonayso markii ugu horaysay oo Ahlu Sunna Waljamaaca ay si buuxda gacanta ugu dhigaan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

 

Majiraan wax masuul ah oo u hadlaya dhaq dhaqaaqa Xarakada Ahlu Sunna Waljamaaaca,iyadoo xariirka aan la samaynay Al Shabaab-na ay inoo Suura gali weysay,waxaana gudadaha magaaladaasina lagu arkayaa gaadiidka dagaalka oo ay wattaan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ku soo aadaya xili saakay inta badan dadkii ku noolaa degmada Dhuusamareeb ay isaga carareen kadib markii ay ka warhaleen saan saanta dagaal halkaasi ku dhex mara Al Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this