Sign in to follow this  
Deeq A.

Danab oo maydadka Al-Shabaab badan ugu tegay godadka hoostooda

Recommended Posts

Deeq A.   
DGJJK3LFNBF7PPOXQER2VDVZO4.jpg?fit=1200%

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlga qorsheysan oo ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay maanta ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Wayaanta, halkaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey Kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Kahor weerarka lagu qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada ay madaafiic ku garaaceen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaada kooxda oo ay ku jireen godad waa wayn oo la burburiyay, waxaana kadib guud ahaan deegaanka la wareegay ciidamada huwanta.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Danab, howlgalka ayaa ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, isla markaana guuleystay, maadaama lagu jabiyay xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dhulka la sameen godoadkii ay ku jireen Al-Shabaab, ayna kugu tageen maydad ay ka carareen, sida ay hadalka u dhigeen.

Way awoodi waayeen in ay meydadkoodii iyo saanadoodii qaataan godadka ayaana loogu tagay kuwii ka geeriyooday Al-shabaab oo godadka dhex daadsan”  ayuu yiri mid kamid saraakiisha howlgalka ka qayb-qaatay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha k sheegteen ciidamada Danab iyo Darawiishta Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka  Wayaanta ee gobolka Jubbada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this