Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aankii lagu sii daayay lamaanihii Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
202529638746684695327030.jpg?fit=660%2C3

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay sii deynta lamaanihii kooxda Al-Shabaab ee kasoo muuqday Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo lagu kala magacaabo Abshir Aadan Maxamed iyo Xafsa Maxamed Macallin, waxayna shalay oo Sabti ahayd ay maxkamaddu dib ugu soo celisay xorriyooddooda.

Arrinta xiisaha u yeeshay kiiskan ayaa ah, kadib markii wiilkan dhalinyarada ah oo ku sugnaa aagga Ceelbuur uu maxkamadda ka arkay xaaskiisa oo eedeysane ah, isaga oo kadib go’aansaday inuu kasoo baxo kooxdaAl-Shabaab, si uu badbaadiyo xaaskiisa, maadaama aanu lahayn wax dambi ah, loona haystay in isaga ay u socotay.

Lamaanahan ayaa sidoo kale waxaa hada loo qorsheynayaa aroos wayn iyadoo ay taageeri doonto dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ku sugnaa maxkamadda.

“Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay. Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato” ayuu yiri Abshir Aadan Maxamed.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aankii lagu sii daayay lamaanihii Al-Shabaab?

Cali Cabdiraxmaan “Dowladdu way ku deg-degtay ayaan is leeyahay wiilkaan sii dayntiisa, waxaa macquul ah gebadha xog badan haysay isla markaana wiilkaan Shaaab so direen”.

Sacdiyo Cabdicasiis “Waa arrin aad u wanaagsan mudana in lagu faano dabcan dad badan oo meel ay u socdaan aqoon ay ku dhaliili doono arinkaan ogow cafisku waa muhiim.

Axmed Saciid “Qiirada inta la’iska daayo dadkan meel nooga haaya wlhi haddii kale allaha u naxariisto shacabkee xasuuqeyn ayaa ku waalan doontaan”.

Farxaan Faarax “Waa ayaan darro weyn in nin AL-Shabaab ah sidaan loo maamuso taageeridaan iyo garab istaagan waxaa u baahan askarta masaakiinta ah”.

Luul Xaaji “Gabadha in la sii daayo wa caadi laakiin wiilka in sidaa fudud lo daayo ma aheyn?”.

Cabdullaahi Mowliid “Maasha Allaha Jacaylku ha waaro way ku mahadsantahy dowladu inay cafiis u fidiso lamaanhan da’da yar”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this